Ra'iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho kula kulmay safiirka Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Mareykanka, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Donald Yamamoto iyo wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ayaa wada hadalo ka yeeshay horumarka laga sameeyay amniga, nabadda iyo horumarka.

Illo wareedyo ayaa xaqiijinaya in shirka lagu soo qaadey xaaladda siyaasadeed gaar ahaan khilaafka maamul goboleedyadda iyo Villa Soomaaliya.

"Iskaashga dowlada federaalka, maamuladda iyo beesha caalamka waa furaha dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub oo xoog leh," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka.

Sidda ku xusan bayaanka, Yamamoto ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab xididaha loo siibo.

"…waxay sidoo kale ka qeybqaadaneysaa xasiloonida Soomaaliya oo muhiimada koowaad u ah dedaalada diblumaasiyadda, horumarka iyo gaashaandhiga ee safaaradda Mareykanka," ayuu raaciyey qoraalka.

Safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ayaa waxaa dib loo howlgeliyay bishii October ee sanadkan 2019 kadib muddo sanado ah oo xirneed.

Xukuumadda Washington ayaa safka hore waxay kaga jirtaa dagaalka ay Soomaaliya kula jirto waxa loogu yeero argagixisadda oo loo aqoonsan yahay khatarta ugu weyn ee xasiloonida waddanka.

Inta badan kulamadda ay madaxda Soomaaliya la yeeshaan diblumaasiyiinta reer Galbeed si gaar ah Mareykanka ayaa ka dhaca xarunta safaaradda oo ku dhextaala Xalane, sababta waa "in ay shiishka u saaran yihiin Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM