Riditaanka Khayre oo cadaadiska caalamka ku kordhisay hogaanka DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii Golaha Shacabka uu Sabtidii todobaadkan riday Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii dalka kaasoo xafiiska joogay qiyaasii 40 bilood, waxaa isa soo tarayey qaylo-dhaanta caalamka.

Kalsoonida kala noqoshada xukuumadii Khayre ayaa cadaadiska dunida ku kordhisay hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo rajeynayey in ay ku helin doonan muddo kororsi iyo in uu culeyska saaran ka yareyn doono.

Sidda ay aaminsan yihiin siyaasiyiinta, Khayre waxaa looga takhalusay in uu doonayey in doorashooyinka soo aadan ay waqtigooda ku dhacaan, halka Madaxtooyada iyo Aqalka Hoose wali xusul duub ugu jiraan qof iyo cod.

Riyadda doorasho dadwayne ayaa lagu macnaayey in ay tahay muddo kororsi ay helaan madaxda waqtiga ka dhamaanyo, taas oo saamileyda ka digtay.

Beesha Caalamka oo qoraal wadajir ah soo saartay ayaa si cad u sheegtay in aysan sharciyad siin doonin nooc doorasho oo cid gaar ah gedaal ka riixeyso.

Mareykanka ayaa "qaswadayaal" ku qeexay xubnihii abaabulay mooshinka xilka ka qaadista Khayre, isagoo si gaar ah u soo hadal-qaaday madaxweyne Farmaajo iyo afhayeenka Golaha Shacabka, kuna goodiyey in uu talaabo ka qaadayo.

Midowga Yurub iyo Sweden oo walaac ka muujiyey bixinta madaxii xukuumadda ayaa ku sifeeyay sharci darro aanan marnaba la ogolaan karin.

Saaxiibada Caalamka oo xusay in heshiis siyaasadeed oo ay gaaraan saamileyda ay muhiim u tahay in doorashada soo aadan ay waqtigeeda ku dhacdo ayaa ku baaqay in la fuliyo heshiiskii Dhuusamareeb ee dowlada iyo maamulada.

"Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb," ayay bayaan ku sheegeen Talaadada maanta ah.

Dhawaqa daneeyeyaasha aduunka ayaa ku riixi kara madaxda dowladda federaalka in ay dabciyaan mowqifkooda isla markaana ay miiska wadahadalka u yimaadan si heshiis wadar-ogol ah looga gaaro arrinta doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM