Roobab khasaare gaystey oo ka da’ay magaalada Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Roobab lixaad leh ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, kuwaas oo saameyn baaxad leh ku yeeshay dadka ku dhaqan magaalada.

Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay saacadihii la soo dhaafay Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Magaalada oo mujiinaya burbur-ka soo gaaray magaalada.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay ugu xun yihiin khasaaraha ka dhashay Roobabka ka da’ayay xalay ilaa saaka, gaar ahaan bulshada danyarta ah.

Dadka deegaanka ayaa warinaya dhimashada lix ruux, oo ay ku jiraan carruur kuwaas oo naftooda ku waayey daadadka ka dhahsay roobabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM