Roobab khasaare gaystey oo ka da’ay magaalada Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Roobab lixaad leh ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, kuwaas oo saameyn baaxad leh ku yeeshay dadka ku dhaqan magaalada.

Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay saacadihii la soo dhaafay Sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay Magaalada oo mujiinaya burbur-ka soo gaaray magaalada.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay sida ay ugu xun yihiin khasaaraha ka dhashay Roobabka ka da’ayay xalay ilaa saaka, gaar ahaan bulshada danyarta ah.

Dadka deegaanka ayaa warinaya dhimashada lix ruux, oo ay ku jiraan carruur kuwaas oo naftooda ku waayey daadadka ka dhahsay roobabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM