Ruto iyo Museveni oo fulinaya dalabkii Abiy ee Badda Soomaaliya

Image

NAIROBI - Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa Sabtidii sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay ka shaqeynayaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Itoobiya iyo Soomaaliya khilaafka u dhexeeya ee khatar gelinaya xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya oo aan bad lahayn oo ay Soomaaliya ka joogaan kumannaan askari, ayaa ka caraysiisay xukuumadda Muqdisho kadib markii ay banaanka soo dhigtay qorshaha ay ku doonayso inay deked uga dhisto maamulka la baxay Somaliland.

Khilaafkan ayaa Soomaaliya u hawaysay Masar oo sanado badan kula murmaysay Itoobiya biyo xireenka weyn ee ay ka dhisayso webiga Niil.

"Sababta oo ah amniga Soomaaliya… waxa uu si weyn uga qayb qaadanayaa xasilloonida gobolkeenna, iyo maalgashadayaasha iyo ganacsatada iyo hal-abuurada si ay u horumaraan," Ruto ayaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay shir madaxeedka Bulshadda Bariga Afrika.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka ka taagan, ayaa lagu guul dareystay, waxaana Turkiga u qabtay labada dal wadahadal labo wareeg qaatay oo Ankara ka dhacay.

Xafiiska Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay Ruto iyo Museveni oo shir madaxeedka ka qeyb galayay, balse ma aysan soo hadal qaadin dhexdhexaadin isaga iyo Abiy Axmed.

Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in uu ku kalsoon yahay in dadaallada dhexdhexaadinta ah ee Turkiga uu wado ay miro dhal noqon doonaan.

Dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintan. Abiy Axmed ayaa horey Ruto iyo Museveni uga codsaday inay kala dhexgalaan isaga iyo Xasan Sheekh oo la dhameeyo kiiska badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM