Ruto iyo Museveni oo fulinaya dalabkii Abiy ee Badda Soomaaliya

Image

NAIROBI - Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa Sabtidii sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay ka shaqeynayaan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen Itoobiya iyo Soomaaliya khilaafka u dhexeeya ee khatar gelinaya xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya oo aan bad lahayn oo ay Soomaaliya ka joogaan kumannaan askari, ayaa ka caraysiisay xukuumadda Muqdisho kadib markii ay banaanka soo dhigtay qorshaha ay ku doonayso inay deked uga dhisto maamulka la baxay Somaliland.

Khilaafkan ayaa Soomaaliya u hawaysay Masar oo sanado badan kula murmaysay Itoobiya biyo xireenka weyn ee ay ka dhisayso webiga Niil.

"Sababta oo ah amniga Soomaaliya… waxa uu si weyn uga qayb qaadanayaa xasilloonida gobolkeenna, iyo maalgashadayaasha iyo ganacsatada iyo hal-abuurada si ay u horumaraan," Ruto ayaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay shir madaxeedka Bulshadda Bariga Afrika.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka ka taagan, ayaa lagu guul dareystay, waxaana Turkiga u qabtay labada dal wadahadal labo wareeg qaatay oo Ankara ka dhacay.

Xafiiska Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in Madaxweynaha uu la kulmay Ruto iyo Museveni oo shir madaxeedka ka qeyb galayay, balse ma aysan soo hadal qaadin dhexdhexaadin isaga iyo Abiy Axmed.

Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in uu ku kalsoon yahay in dadaallada dhexdhexaadinta ah ee Turkiga uu wado ay miro dhal noqon doonaan.

Dowladda Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintan. Abiy Axmed ayaa horey Ruto iyo Museveni uga codsaday inay kala dhexgalaan isaga iyo Xasan Sheekh oo la dhameeyo kiiska badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM