RW Cumar Sharmaarke: PEC sharciyad ma haysato

Image

GAROWE, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku tilmaamay Jadwalka muddo kororsiga ee madaxweyne Deni mid sharci darro ah.

"Su'aashu waxay tahay hadii PEC aysan Sharciyad u haysan kordhinta mudada xilhaynta Dastuuriga ah ee madaxda Puntland. Tan waa mid la rabo in looga xeeladaysto 08 Jan laguna sii dheeraysto".

Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee lagu muran-san yahay kaasi oo aysan xubno ka ahayn Mideeye, Horseed iyo Shaqaalaha ayaa caawa soo saaray waxa uu ugu yeeray jadwalka Doorashada.

Dhawaan ayay ahayd markii ururada Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal ay soo saareen in aan Doorashada Madaxtinimada Puntland aan lagu geli karin Qof iyo Cod.

Guddiga lagu muran-san yahay ee Doorashooyinka ayaa horey loogu tilmaamay mid hal dhinac ah oo u badan ururka KAAH gudoomiyahiisuna uu yahay Gudoomiye xigeenkii KAAH, Fu'aad Abshir Adeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM