RW Khayre oo ku wajahan UAE xilli xiriirka uusan wanaagsaneyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in dhawaan uu u ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta.

Sida uu ogaaday Warsidaha Garowe Online, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa u safri doono Imaaraadka maalinta Axad ah ee Todobaadka soo socda, oo ku beegaan Taariikhda [25-ka February 2018].

Boqashada Khayre uu ku tagayo Imaaraadka gaar ahaan Abu Dhabi ayaa timid kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaasi, iyadoo ku soo beegantay xilli dhinac u baahan yihiin in xiriirka labada dal kor looga qaado heerka uu joogo.

Booqashadaan ayaa ku soo beegmeysa dhinaca kale xilli madaxda sare ee dowlada qaadatey go’aan ah in go’aanka dhexdhexadanimada ay qaateen uu noqdo mid laga dhabeeyo balse uusan dhinac u janjeerin.

Tani ayaa noqonaysa booqashadii ugu horeysay oo mudane Khayre uu ku bixinayo wadanka Imaaraadka tan iyo markii xilka Ra'iisul Wasaaraha loo magacaabay bishii February ee sanadkii 2017-kii.

Ra’isal wasaare Khayre ayaa boqashadi tan ka horeysay ku tagey dalka Qadar xiligaas oo go’aanka dhexdhexaadnimada ay qaadatey Dowlada Soomaaliya kicisay xiisado siyasadeed.

Dalka Imaraadka Carabta ayaa xiriir ganacsi la leh dalka Soomaaliya halkaas oo fadhi u ah ah Dad farabadan oo Soomaali ah.

 GAROW ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM