RW Somalia oo cambaareeyay weerarka Muqdishu

Image

GAROWE- Ra’isal wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Somali iyo Turki xili ay gar-gaar u fidinayeen dadkeena tabaalaysan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaraha oo haatan ku sugan magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa falkaasi ku tilmaamay mid fuleynimo lala beegsaday dhaqaatiirta ka howlgalaysay cusbitalka Deva, kaasi oo adeegyo caafimaad u fidiya shacabka xanuunsan, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Janadiisa ka waraabiyo halka dhaawaca uu u rajeeyay caafimaad taam ah iyo inay kasoo kacaan dhibkaasi loo gaystay.

"Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyagoo shacabkeena u gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga,”Ayuu yiri Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid.

Cumar, ayaa ku baaqay in gacan la siiyo ciidamada ammanka Somalia, si looga fogaado weeraradan oo kale, wuxuuna sheegay in arrimahan weecin doonin tubta toosan ee lagu jiro.

Cambaaraynta wasiirka Koowaad ee xukuumadda Somalia ayaa timi xilli galinkii dambe maanta weerar lagu dilay lix ruux oo labo kamid ah Turkish ahaayeen, waxaana ilaa hadda jirin cid si rasmi ah u sheegatay falkaasi iyo shakhsiyaad loo soo qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM