RW Somalia oo ka hadlay xuska maalinta Shaqaalaha

Image

MUQDISHU- Ra'isul Wasaaraha xukuumadda Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa munaasabada 1da May, 2016 oo ku astaysan maalinta shaqaalaha Adduunka ugu hambalyeeyey dhamaan ummadda Somaliyeed gaar ahaa shaqaalaha dowliga ah iyo kuwa shacabka ah.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqada iyo horumarka dalka guud ahaan,” Sidaasi waxaa yiri wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia

Cumar, ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

“Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa. Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa,” Ayuu yiri Cumar.

Meelo badan oo Somalia kamid ah, waxaa maanta lagu qabtay munaasabado lagu xusayo maalinta loo asteeyay Shaqaalaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM