RW Somalia oo khudbad ka jeediyay shirka Istanbul

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Ra'isal wasaaraha xukuumadda Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa magaalada Istanbuul dalka Turkiga uga qeyb galay shirweynihii dalalka Islaamka oo looga hadlayay kala qeybsanaanta ka dhex jirta dunnida Islaamka, la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee sida xun u adeegsanaya magaca Islaamka iyo arrimaha kale.

 Shirkan, waxaa marti geliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Tayyib Erdogan, waxaana kasoo qayb galay madax badan oo kasocota waddamada Muslimka ah.

Ra'isal wasaaraha Somalia oo khudbad dheer ka jeediyey kulankaasi ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Turkiga qorshahan la isugu keenay hogaamiyaasha dalalka Islaamka, wuxuuna ka waramay hormarrada ay ku talaabsatay Dawladda Soomaaliya oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale khudbadiisa si faah faahsan uga hadlay muhiimadda ay leedahay in caalamka islaamku isku tiirsanaado, isagoo sidoo kale ka carrabka ku dhuftay dhibaatada Argagixisada iyo sida loo baahan yahay in wadajir loo wajaho, isagoona Alle ka baryey in dhammaan dalalka Islaamka dhibaatada heysata uu ka dulqaado.

Wasiirka koowaad ee Somalia, ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda Islaamka ee kasoo qeyb-galay shirka, waxana ay ka wada hadleen waxyaabihii ugu danbeeyey arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka dalalka Islaamka kala dhexeeya Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM