RW Somalia oo laga gudbiyey Dacwad

Image

MUQDISHU- Xisbiyadda siyaasada ee ka dhisan magalada Muqdisho ayaa maalinkii shalay dacwad ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa u gudbiyay xafiiska maxkamadda sare ee Somalia.

Dacwadan oo ay ku saxiixan yihiin 22-xisbi ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Odawadaa hor taagan yihiin xaqa uu dastuurku siinayo axsaabta syaasadeed, isla markasna xafiiska wasiirka koowaad aan weli laga soo gudbin xeerka axsaabta si uu u noqdo sharci. 

Gudoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa dacwadan ka qabtay xisbiyada caraysan kuwaasoo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay inay xaq u lee yihiin inay helaan xeerkaasi oo dhaqan gal ah. 

Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur "Tarsan" ayaa sheegay xisbiyadan inay mar kasta diyaar u yihiin inay dalka ka saaraan nidaamka 4.5, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay shacabka in talada lagu celiyo.

Lama oga sababta waqtigaan ku soo beegtey in xisbiyadaan dacwada gudbiyaan xilli madaxda Somalida isku khilaafeen qaabka loo soo dooranayo Barlamanka Somalia marka la gaaro sanadakana dabayaqadiisa.

Wax jira siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadaan oo aaminsan in Barlamanka Federaalka ah ee hadda jira loo kordhiyo kaidb-na wadanka laga qabto doorashada gudoomiyaha barlamanka, labada ku-xigeen iyo madaxweynaha dowlada Federaalka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM