​RW Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii Orlando iyo doorashada 2016

Image

Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, oo ku sugan dalka Maraykanka gaar ahaan Washington, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya shakhsiyaddiisa, weerarkii lagu qaaday magaalada Orlando iyo doorashada 2016.

Cumar, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday magalada Orlando dalka Maraykanka, isagoo sheegay inay tahay arrin dalka Soomaliya caado ka ah oo ay had iyo jeer u taaganyihiin sidii loo soo afmeeri lahaa weerarada qorshaysan ee lagu qaadayo hotellada iyo goobaha muhiimka ah.

Wuxuu ka hadlay doorashada sannadkan la qorshaynayo, isagoo sheegay inay dhinaca dowladda kasoo idlaatay islamarkaana rajaynayno in waxyaabaha dhiman lagu dhammaystiro shirka la isugu imaanayo magaalada Baydhabo.

Ra'isal wasaaraha Soomaliya oo la hadlay VOA, ayaa wax laga weydiiyay inuu yahay murashax u loollamaya madaxtinimada waddanka, wuxuuna tilmaamay inuusan wali go'aan gaarin, balse dib kasoo caddayn doono qorshihiisa.

Saamaynta ay ku leeyihiin asaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh, doorashada Soomaaliya, ayaa wax laga weydiiyay, wuxuuna tilmaamay in Siyaasadda Soomaaliya hadda sidii hore ka badalantahay islamarkaana murashaxa soo baxaya ay soo xuli doonaan dad badan, sidaasi darteed ay adagtahay in labo qof iyo wixii lamid ah awood ku hantaan dadka wax soo xulaya.

Khilaafka soo noq-noqday ee inta badan ka dhex dhaca madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha ayuu ka hadlay Cumar Cabdirashiid, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi inta badan keento shaqooyinka iyo awoodaha labada mas'uul oo aan ku caddayn dastuurka dalka, wuxuuna sheegay in qaabkii lagu kala qeexi lahaa u howl galayaan iyagoo ka faa'idaysanaya shirka dib loogu eegayo Dastuurka.

Muddo kooban ayaa ka hartay, waqtigii la sheegay in Soomaaliya ka dhici doonto doorasho madaxtinimo, waxaana socda loollan xooggan oo ku aadan sidii loo heli lahaa kuraasta Barlamanka iyo tan aqalka sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM