RW Xamse: 3 Milyan oo Soomaali ah oo shalay addoonsi ku jiray ayaa maanta xor ah

Image
RW Xamse ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland inay qeyb libaax ka qaataan dagaalka 'AS'.

KISMAAYO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo, isagoo kala hadlay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland inay qeyb libaax ka qaataan dagaalka, gaar ahaan wajiga labaad oo uu sheegay inuu dhawaan bilaaban doono.

“ِAbaabulka Shacabka iyo Fatwada Culimada waxay horseed u ahayeen guusha laga gaaray ‘AS’, kuwaas oo laga xoreeyay 80 degmo iyo deegaan, lana xoreeyay 3 Milyan oo Soomaali ah oo shalay addoonsi ku jiray”. Ayuu yiri RW Xamse.

Xamse ayaa intaa ku daray in dadaallada dowladda aysan ku koobneyn dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo kaliya, balse ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada Soomaaliya iyo bixitaanka “ATMIS”.

"Waxaan tababar dalka dibaddiisa ku siinay in ka badan 15,000 oo askari, waxaana dib ugu soo celinay dalka, iyagoo haatan diyaar u ah ka qayb qaadashada dagaalka 'AS'." ayuu raaciyay.

Dowladda ayaa wajahaysa caqabado dhowr ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la joojiyay inta badan howlgaladii ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM