Sacuudiga oo ka hadlay qaraxii rayidka lagu laayey ee Muqdisho

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Golaha Wasiiradda Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii 28-kii December, 2019 ka dhacay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Ugu yaraan 90 qof oo shacab u badan ayaa ku naf-waayey weerarka oo loo adeegsaday gaari xamuul oo walxo qarxa lagu oo rakibay.

Weerarka ayaa ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Ex-kontarool Afgooye, oo dhaca koonfurta magaala madaxda.

Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, iyaddoo qiratay in uu shacab ku leeday.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradda dhaawaca falkaas ay gaareyso 130, kuwaasoo inta daran loo qaadey Qadar iyo Turkiga.

Wasiiradda Sacuudiga ayaa sidoo kale daboolka ka qaadey in ay tacsi u dirayaan eheladda dadkooda ku waayey falkaas.

"Sacuudiga wuxuu diidan yahay nooc walba oo fowdo, xagjirnimo iyo argagixiso ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka.

Sikastaba ha ahaatee, boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa gudoomiyey shirka oo ka qabsoomay magaaladda caasimadda ah ee Riyadh, sidda ay baahisay warbaahinta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM