Sadax wariye oo Maxkamad lagu soo taagay Muqdisho

Image

MUQDISHU, September 04,2014 [ GO]- Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta la horkeeney Cabdimalik Yuusuf Maxamuud oo ah milkiilaha Idaacadaha Shabelle iyo Sky Fm oo ku yaala magaalada Muqdisho iyo labo saxafi oo ka shaqeynayey kuwasoo la kala yiraahdo Maxamuud Maxamed Daahir (Carab) iyo Axmed Cabdi Xasan.

Sadaxdaan wariye ayaa xeer ilaalinta qaranka waxay ku eedeysay inay jabiyeen ilaa iyo lix qodob oo ka mid ah xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Qodobada xeerka ee lagu soo eedeeyay suxufiyiintaan ayaa waxay kala yihiin.

1- Qodobka 184-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo ah meel kaga dhac midnimada qaranka oo la sheegey in ciqaabtiisu tahay dil.

2- Qodobka 220-aad Af-lagaado sharafta iyo haybada Madaxweynaha Qaranka, ciqaabtiisa waa 6 billod ilaa 3 sanno oo xarig ah.

3- Qodobka 231-aad oo ah dhiiri galinta rabshado lagu qabto meelo fagaare ah , ciqaabtiisuna waa 3 ilaa 12 sano oo xarig ah.

4- Qodobka 320-aad oo ah hor kicid fal dambiyeedciqaabtiisuna waa Hal sano ilaa 5 sano oo xariga ah.

5- Qodobka 328-aad oo ah daabicid warar been ah oo la buunbuuniyey laguna khal-khal geliyey nabadgelyada. 

Waxaa jira labo qareen oo loo qabtay saxafiyiintaan kuwaasi oo difaacaya dambiyada loo haysto, sadaxdii todobaad ee la soo dhaafay ayaa sadexdaan Wariye ku xirnaayeen xabsiga ciidanka Nabad Sugida ku leeyihiin halka loo yaqaano Godka Jilicow.

Dooda dacwadaan loo haysto sadexdaan wariye ayaa weli socota iyadoo loo gudbiyay maanta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, Maxkamadaan ayaa loo balamay in dib la isugu soo noqdo markale.

Hay'daha u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa horey ugu baaqey in la sii daayo sadexdaan suxufi iyagoo ku tilmaamey xarigooda mid sharci daro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM