Saddex kamid ah Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo xilkii laga qaaday

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa wareegto uu soo saaray saaka xilli hore xilkii kaga qaaday saddex kamid ah golaha xukuumaddda.

Mas’uuliyiinta xilka laga qaaday waxaa ku jira wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo maanta usoo safri lahaa magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Wareegtadan oo uu warbaahinta ka akhriyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Eng. Cumar Cismaan Yariisow, waxaa sidoo kale xilalkoodii ku waayay; Wasiirkii Arrimaha Dibadda Yusuf Garaad Cumar iyo Wasiirkii Ganacsiga iyo Warashada Khadra Axmed Ducaale.

Boosaskaas ayaa isla digreetadan waxaa loogu magacaabay mas’uuliyiin cusub, kuwaasoo loo diray fariin ah inay si deg deg ah ula wareegaan shaqadooda.

Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa laga dhigay wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye isna waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, halka Cabdi Maxamed Sabriye laga dhigay wasiirka arimaha gudaha.

Ilaa hadda kama aysan hadlin mas’uuliyiinta xilka laga qaaday sida ay u arkaan.

Lama oga sababta keentay xilka qaadista mas’uuliyiinta, waxaana lagusoo beegay xilli Madaxweyne Farmaajo booqasho ku tagayo Todobaadka dambe maamulka Puntland.

Muddooyinkii dambe waxaa xumaa xiriirka ka dhaxeeya Khayre iyo Juxa, waana tan loo aanaynayo in Khayre uu magacaabistiisii 2aad sameeyo xilli uu xafiiska joogo wax ka yar 1 sano.

Dhinaca kale tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay bannaanyihiin jagooyin ay iska casileen wasiirradii Arrimaha Diinta iyo Gargaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM