​Saddex qof oo lagu dilay Buurgaabo Jubbada hoose

Image

BUURGAABO- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Buurgaabo gobolka Jubbada hoose ku dilay saddex ruux oo shacab, waxaana sidoo kale la dhaawacay lix kale kadib markii ay rasaas ku fureen xilli ay ku jireen shaqo ku salaysan waxyaabaha ay kasoo saartaan nolol maalmeedkooda.

Dadka dhintay, ayaa goob joogayaal aan la xiriirnay noo sheegeen inay ku guda jireen jarista dhir ay ka samaystaan dhuxusha, waxaana arrintani timi mallayshiyaadka Shabaab deegaanada gacanta ku hayaan gobolkaasi ka mamnuuceen tallaabadan dadku qaadeen.

Deegaanka Buur-gaabo, waxa uu ilaa 240 KM dhinaca  koonfur galbeed uga beegan yahay magaalada Kismaayo.

Waa markii ugu horaysay gobolka la shaaciyo dad loo toogtay arrin ku aadan dhuxusha.

Lama garanayo sababta iyo danta Shabaab ka leeyihiin mamnuucista in la jaro dhirta dhuxusha laga sameeyo, balse waxay ku aadaysaa xilii warbixin sanadkii 2014kii soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in hal milyan oo jawaan oo dhuxul ah la dhoofiyay iyadoo ciidamada Kenya ay goobjoog ahaayeen, dhuxushaas oo horey u tiilay dekedda Kismaayo.

Go'aanka Qaramada Midoobay majirto cid u hogaansantay, balse waxaa weli deegaano katirsan Somalia si qarsoodi ah looga dhoofiyaa dhuxusha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM