Saddexda qodob ee khuseeyay Soomaaliya ee ku jiray qoraalkii IGAD

Image
Itoobiya ayaanan ka qeybgelin kulankan iyadda oo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu cudurdaartay.

KAMPALA, Uganda - War-murtiyeed kasoo baxay shir-madaxeedka degdeg ahaa ee Ururka IGAD ku yeesheen caasimada Uganda ee Kampala ayaa lagu ayiday madax-banaanida Soomaaliya.

Hase ahaatee, bayaankan oo kasoo baxay kulankan ka qabsoomay Kampala waxa uu ku baaqay in xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya la qaboojiyo ama lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Hadaba, war-murtiyeedkan oo badankiisa looga hadlay xaalada kasoo cusboonaatay dalka Suudaan ayaa arrimaha Soomaaliya waxaa ka khuseeya saddex qodob kuwaas oo kala ah;

Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii'da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan ugu  baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.

Itoobiya ayaanan ka qeybgelin kulankan iyadda oo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu sheegay in uusan kasoo muuqan karin sababo ku aadan in uu mashquul ka yahay jadwalkooda kulamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM