Safiirada Soomaaliya & Algeria ee Ethiopia oo isla qaatay la dagaalanka ‘AS’

Image

ADDIS ABABA - Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan la qaatay dhiggiisa ah ee Jamhuuriyadaha Algeria ee dalka Ethiopia Amb. Mohamed Lamine Laabas, sida ay warisay warbaahinta dowladda,

Danjiraha Soomaaliya Mudane Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Algeria ayaa kulankooda kaga arrinsaday xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo sidoo kale isla qaatay kobcinta iyo kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria.

Danjire Lamine ayaa sidoo kale ballan qaaday in Dawladdiisu ay Soomaaliya si joogto ah ugala shaqayn doonto la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa dhigiisa Algeria uga mahad celiyay sida ay Dawladdiisu mar kasta garab istaag soo jireen ah ugu muujiso Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Algeria ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo ganacsiba ku haysta dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM