Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo ka hayaamay Muqdisho

Image
Ma jiro wax war ah oo xukuumadda Muqdisho ay kasoo saartey bixitaanka danjire Mukhtaar Maxamed Waare. 

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar diblumaasiyadeed oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu gudaha Soomaaliya ka baxay safiirkii Itoobiya u fadhiyay Muqdisho, danjire Mukhtaar Maxamed Waare. 

Talaabadan waxay imaanaysaa xilli uu sii xummaanayo xiriirka labada dal tan iyo markii Addis Ababa ay heshiis difaac la gashay maamulka Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo xukuumadda Muqdisho ay kasoo saartey bixitaanka danjire Mukhtaar oo timid maalmo kadib markii uu kasoo muuqdey shir looga dacwoonayay dalkiisa oo ka dhacay dalka.

Is-fahamkaas ayaa wuxuu sababay xiisad diblumaasiyadeed oo laga cabsi qabo in ay horseedo xasilooni darro ba’an taas oo saameysa guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

1-dii Janaayo, 2024 ayay ahayd markii magaalada Addis Ababa is-faham kuwada saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Is-afgaradkaas ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Itoobiya ay muddo 50-sano ah ka kirinayso Somaliland dhul ay ka hirgelineyso saldhig ciidan iyo 20 KM dhul badeed ay Itoobiya adeegsaneyso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u cambaareysay heshiiskaas waxayna ku tilmaamtay "faragelin qaawan iyo xadgudub ka dhan ah madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya".

Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay latashi ugu yeeratay danjirihii u fadhiyay magaalada Addis Ababa kaas oo waqti-xaadirkan ku sugan magaalada Muqdisho lana kulmay madaxda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM