Safiirrada Talyaaniga iyo Shiinaha oo tagay Bosaso [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

07 January, 2016(GO)-Wafuud ay kala hogaaminayaan safiirrada dowladdaha Talyaaniga iyo Shiinaha ayaa goordhaweyd lagu soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Labadaan masuul iyo wafdigooda waxaa soo dhaweyn u sameeyay madaxda ugu sarraysa Puntland iyagoo warbaahinta kula hadlay qaybta nasashada garoonka.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa u mahad celiyay safiirrada soo gaaray Bosaso, wuxuuna ka mahadceliyay shirkadda dalka shiinaha qaabka garoonka u dhistay.

Safiirka Shiinaha ee Somalia ayaa dhankiisa xusay in shirkadda CCECC sii wadayso dadaalkeeda iyo garab istaaga Puntland, sidoo kale safiirka Talyaaniga ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay in wajiga koowaad mashruucaan la hir galiyo, maadama dowladda Talyaaniga ku deeqday dhaqaalaha ku baxay.

Wariyaha Garowe Online ee kusugun garoonka ayaa soo qaaday sawirro muujinaya qaban qaabada kasocota garoonka diyaaradaha Bosaso, waxaana galinka dambe la filayaa inuu yimaado Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM