​Saldhig Laga dhisay Garoonka Aadan Cadde

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta magalada Muqdishu xarunta Somalia gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga furay Saldhig Boliis oo ciidanka AMISOM ka dhiseen madaarka. 

Xafladda xarigga looga jarayay saldhiggan, ayaa waxaa kasoo qayb galay madax kasocota,  wasaarada Amniga Gudaha, Taliska Ciidanka Booliiska Somalia,  kuwa AMISOM, wakiilka Midowga Afrika ee Somalia iyo marti sharaf kale, waxayna ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdishu. 

Saldhigan ayaa u jeedkiisa lagu sheegay in lagu adkaynayo amniga madaarka, waxaana Taliyaha Ciidanka Booliiska AMISOM Sareeyo Guuto Anand  Dillay, uu sheegay  in dhismahan soo bilowday bishii Luuliyo sanadkii 2014  uuna dhamaaday   bishii Oktoobar 2015, isagoo intaas raaciyay in saldhigan gacan ka gaysanayo xasiloonida iyo ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Booliiska  Somalia  Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  u mahad celiyay  AMISOM, isagoo  ku ammaanay  sida ay mar waliba u garab  taagan yihiin Boliiska Somaliyeed, wuxuuna ka codsaday inay sii wadaan taageeradooda.

“Waxaan dhihi karaa shaqada ugu badann ee Somalia waxa haya ciidamada AMISOM, mark waxaan codsanayaa in loo taaageero si ka badan siday noo taageeraan,”Ayuu yir Xaamud. 

Wakiilka Midowga Afrika Somalia  Mr. Fransisco Madeira, ayaa tilmaamay in hirgalinta saldhigan gacan ka gaysanayo horumarka iyo nabadda Somalia, wuxuuna tibaaxay inay tababaraan, taageeraan, lana howl galaan ciidamada Booliiska gobolka Banaadir.   

Madeira, ayaa daboolka ka qaaday inay ku baxday dhismahan lacag dhan 332, 000 oo Dollar ay ku deeqeen wadamo kala duwan,  wuxuuna ku booriyay inay xafidaan, maadama loo dhisay sida saldhigyada ku yaalla garoomada caalamiga ah ee dunida. 

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha Somalia, Cabdinaasir Maxamed Cali oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay xarunta laga sameeyay garoonka Aadan Cadde, ayaa ku ammaanay AMISOM, doorka ay ku leeyihiin hormarka waddanka. 

Furitaanka saldhigan Boliis, ayaa kusoo beegmay xilli shaki laga muujiyay ammaanka madaarka Aadan Cadde, kadib markii looga shakiyay dhaawaca diyaaradda Daalo qarax bambaano, waxaana saldhigan hirgalintiisa gacan ka gaystay dowlada Turkiga oo ay weheliyaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub , Midowga Afrika iyo Australia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM