Saraakiil katirsan NISA oo dembi lagu soo oogay [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno iyo Xisbiyo Siyaasadeed ayaa soo saarey qoraal wadajir ah oo ay ku dalbanayaan in shaqada laga joojiyo hogaanka Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ee [NISA].

Xisbiyada Wadajir, Daljir, Kulan iyo Madasha Horusocod oo ay ku midoobeen Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin, ayaa codsaday in cadaallada lasoo taago 5 Saraakiil sare oo kamid ah NISA iyo madax kale.

War Saxaafadeedka ayaa looga dalbaday dowladda in Shaqo joojin iyo xasaanad ka qaadist lagu sameeyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Agaasiimaha Madaxtooyadda Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin oo ay ku eedeeyay inay mas'uul ka ahaayeen weerarkii lagu qaadey Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur 17-kii Decmber, 2017.

Lama oga in dowladda ay fulin doonto dalabkan.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE 

 

 

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM