Saraakiil katirsanaa Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay [Magacyadooda]

Image

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Labo Sarkaal oo kamid ahaa Al Shabaab ayaa lagu qabtey gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigay Cabdikariim Abu Hamza, oo ahaa madaxa maaliyadda Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Hoose & Banadir iyo Sheekh Muudey oo katirsanaa Saraakiisha garabka Sirdoonka Al Shabaab ee loo yaqaano Amniyat.

Mas'uul katirsan maamulka gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labada Sarkaal lagu qabtay deegaanka Awdheegle, kadib howlgal Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa DANAB ay halkaasi ka fuliyeen maanta.

Dhanka Al Shabaab wali kama aysan hadlin warka ku saabsan qabashada Saraakiishan, oo kamid ahaa xubnaha ugu muhiim ee Kooxda, maadaama ay u qaabilsanaayeen Maaliyadda iyo Sirdoonka.

Waxaa shalay Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 60-aad isku soo dhiibay Caddow Maclin Isxaaq, oo Al Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada iyo xirada miinooyinka, oo ka howlgali jiray gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Horjoogan ayaa sheegay in uu isaga soo baxay Kooxda, kadib markii ay taabatey xanuunka dhacdadii 14-kii October qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof oo shacab ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM