Saraakiil katirsanaa Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay [Magacyadooda]

Image

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Labo Sarkaal oo kamid ahaa Al Shabaab ayaa lagu qabtey gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigay Cabdikariim Abu Hamza, oo ahaa madaxa maaliyadda Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Hoose & Banadir iyo Sheekh Muudey oo katirsanaa Saraakiisha garabka Sirdoonka Al Shabaab ee loo yaqaano Amniyat.

Mas'uul katirsan maamulka gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labada Sarkaal lagu qabtay deegaanka Awdheegle, kadib howlgal Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa DANAB ay halkaasi ka fuliyeen maanta.

Dhanka Al Shabaab wali kama aysan hadlin warka ku saabsan qabashada Saraakiishan, oo kamid ahaa xubnaha ugu muhiim ee Kooxda, maadaama ay u qaabilsanaayeen Maaliyadda iyo Sirdoonka.

Waxaa shalay Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 60-aad isku soo dhiibay Caddow Maclin Isxaaq, oo Al Shabaab u qaabilsanaa sameynta qaraxyada iyo xirada miinooyinka, oo ka howlgali jiray gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Horjoogan ayaa sheegay in uu isaga soo baxay Kooxda, kadib markii ay taabatey xanuunka dhacdadii 14-kii October qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof oo shacab ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM