Soomaali-Russian loo xukumay Daacishnimo oo ku dhintay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal sarre oo ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya kaasoo Maxkamadda Ciidamadda ku xukuntay 15-sano oo xarig ah ayaa ku geeriyoodey Muqdisho, habeenimadii Arbacada, 8-dii Janaayo, 2020.

Mahad Maxamuud Cabdi [Abuu Yaasiin] ayaa xukunkan lagu riday bishii August ee sanadkii 2018 kadib markii dambiga lagu helay.

Abuu Yaasiin oo Soomaali-Raashiyaan ah ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu heshiis kula soo galay Abuubakar Al-Baqdaadi dhismaha urur cusub.

Dacwad-oogeyaasha ayaa sheegay in kooxdaas cusub oo gacansaar la yeelaneysa ISIL uu qorsheynayey in uu ka yagleelo koonfurta Soomaaliya.

Lama ogga sababta ka dambeysa geeridiisa, balse wararka ayaa tibaaxaya in ay timid kadib markii uu lasoo darsey xanuun deg-deg ah.

Waa kuma Abuu Yaasiin?

Sidda ku xusan dukumiintiyo uu arkay warsidaha Garowe Online, Abuu Yaasiin waxaa iska dhalay aabe Raashiyaan ah iyo hooyo Soomaali ah.

50-jirkan hooyadii lagu magacaabo Nadiifo Nuur Xasan ayaa "ku dhashay" Muqdisho, balse ku barbaaray Ruushka isla markaana kadib u duulay Suuriya, halkaasoo sanado badan uu ku noolaa.

Intii uu socday baaritaanka, Abuu Yaasiin ayaa u sheegay baareyaasha in markii uu ku qancay afkaarta Daacish uu 2016-kii tegay buuraha Qandala, halkaasna uu kula shaqeeyay ururkaas.

Qoraaladda ayaa muujinaya in uu kamid ahaa Golaha Shuurada ee Daacista Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Buuraha Qandala ee degaanadda Puntland.

Balse markii "is-maandhaaf" uu soo kala dhex-galay isaga iyo madaxda Daacishta Soomaaliya, Abuu Yaasiin ayaa kasoo tegay, isagoo qoraalo u diray horjoogeyaasha sare ee ISIL.

Ciidamadda Soomaaliya ee argagixiso la dirirka ayaa "kusoo qabtay" nuqulo kamid ah qoraalo uu u diray hogaamiyeyaasha kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ee Shaam.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii xabsiga dhexe ee magaaladda Muqdisho ay ka baxsadeen saddex maxaabiis oo Al-Shabaabnimo loo xukumay. Midkood waa lasoo qabtay, balse labada kale ayay ciidamaddu ku raadjoogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM