Sarkaal dawladeed oo AS xiriir la lahaa oo xukunkiisa la shaaciyay

Image
Gudoomiyaha Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada ayaa maanta xukun ka soo saartay Abuukar Salaad Maxamuud oo dowladda Soomaaliya kasoo qabtay Xilalka Gudoomiye Ku xiggeenka Arimaha Bulshada Degmooyinka Xamar wayne iyo Hodan 2014-2019.

Abuukar ayaa lagu soo eedeyay in uu ka tirsan yahay kooxda ‘AS’, isla markaana u qaabilsanaa dhoofinta iyo soo celinta kuwa dhaawaca ah ama xanuunsan.

Wuxuu Sanadkii 2021 Shabeelaha Hoose aaday si uu u bilaabo xiriirka AS, isagoo u maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo ‘AS’ ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim.

Wuxuu sidoo kale ka soo muuqday Wareysi ay AS ku baahiyeen barta Telegram-ka, isaga oo sheegay in mar kale shahaadada loo qabtay isla markaana Dowladda ku tilmaamtay “gaalnimo”.

Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay in lagu xukumay Shan-sano oo xabsi ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM