Sarkaal dawladeed oo AS xiriir la lahaa oo xukunkiisa la shaaciyay

Image
Gudoomiyaha Maxkamdda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada ayaa maanta xukun ka soo saartay Abuukar Salaad Maxamuud oo dowladda Soomaaliya kasoo qabtay Xilalka Gudoomiye Ku xiggeenka Arimaha Bulshada Degmooyinka Xamar wayne iyo Hodan 2014-2019.

Abuukar ayaa lagu soo eedeyay in uu ka tirsan yahay kooxda ‘AS’, isla markaana u qaabilsanaa dhoofinta iyo soo celinta kuwa dhaawaca ah ama xanuunsan.

Wuxuu Sanadkii 2021 Shabeelaha Hoose aaday si uu u bilaabo xiriirka AS, isagoo u maraya horjooge ay qaraabo ahaayeen oo ‘AS’ ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdullahi Ibraahim.

Wuxuu sidoo kale ka soo muuqday Wareysi ay AS ku baahiyeen barta Telegram-ka, isaga oo sheegay in mar kale shahaadada loo qabtay isla markaana Dowladda ku tilmaamtay “gaalnimo”.

Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay in lagu xukumay Shan-sano oo xabsi ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM