Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa ka warbixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo uu ka fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ciidamada Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen waxaa lagu beegsaday sarkaal ka tirsanaa maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, duulaanka ayaa laga qaadey degaanka Kuuna Barow.

Ugu yaraan hal sarkaal ayaa ku dhintay duqeyn, mana jirto waxyeelo shacab soo gaarey, sidda laga soo xigtay bayaanka oo u arkay GO.

Warka qoraalka ah ayaanan lagu caddeynin magaca sarkaalka iyo jagada uu ka yahay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AL-Shabaab oo ku saabsan sheegashadda xukuumadda Washington.

Mareykanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey howlgalada dhanka cirka ee Soomaaliya isla markaana ka dhan ah argagixisada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM