Sarkaal Muqdisho lagu diley

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Weerar  ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Dowlada Federaalka gaar ahaan ciidanka sirdoonka qaybtiisa la dagaalanka argagixisada.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jirey Maxamed Qeybe waxaa gaarigiisa tacshiirad huwiyey dabley hubeysan oo gaari kale watey, kuwaas oo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Weerarka waxaa sidoo kale lagu diley dhowr askari oo sarkaalkaas ilaalo u ahaa kana tirsanaa hay’adda nabad sugida Soomaaliya. Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarka lagu diley Maxamed Qaybe.

Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay weerarro xoog leh oo aar-goosi ah qaadi doonaan, kadib markii la dilay hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM