Sarkaal Muqdisho lagu diley

Image

Sabti, Sept 13, 2014 (Garowe Online)- Weerar  ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Dowlada Federaalka gaar ahaan ciidanka sirdoonka qaybtiisa la dagaalanka argagixisada.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jirey Maxamed Qeybe waxaa gaarigiisa tacshiirad huwiyey dabley hubeysan oo gaari kale watey, kuwaas oo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Weerarka waxaa sidoo kale lagu diley dhowr askari oo sarkaalkaas ilaalo u ahaa kana tirsanaa hay’adda nabad sugida Soomaaliya. Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarka lagu diley Maxamed Qaybe.

Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay weerarro xoog leh oo aar-goosi ah qaadi doonaan, kadib markii la dilay hogaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM