Sarkaal ka tirsan hay'adda NISA oo isku day dil ka badbaadey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dabley ayaa xalay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed waxay ku qaadeen guri sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya uu ka degan yahay magaalada Guriceel, gobolka Galgaduud.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo kamid ahaa saraakiishii ururkii Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu waramay in uu ka badbaadey falkaas la doonayey in lagu khaarijiyo, wallow burbur uu soo gaarey hoygiisa.

Ma cadda hadii uu jiro khasaaro soo gaarey dad kale oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen maadaama ay tahay meel degaan ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii ay gacanta ugu so dhigi lahaayeen shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaas.

Howlgalo ay qaadeen saacadihii lasoo dhaafay ayaanan la ogeyn hadii ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan dambiileyaasha.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, wallow qaybo kamid ah Galmudug ay maamusho kooxda Al-Shabaab.

Weerarkaas xalay lasoo wariyey ayaa la tilmaamay in uu noqonayo kii ugu horeeyay muddo 12-sano ah kadib ka dhaca magaaladda Guriceel.

Sikastaba ha ahaatee, Mr Raage ayaa ahaa askarigii isku-duubay is-miidaamiyihii damacsanaa in uu isku qarxiyo munaasabad ay joogeen madaxdii Ahlu Sunna Waljameeca sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM