Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal sare oo katirsanaa Kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Sarkaalka Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, lagu dilay howlgal gaar ah oo Ciidamada Soomaaliya ka fuliyeen deegaan ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Cali Axmed Guurre ayaa la sheegay inuu Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacaga Zakada Kooxda ka qaado dadka ku nool deegaanada u dhaxeeya Beledweyne iyo Maxaas, gaar ahaan Baar Dheere iyo Hees.

Ciimdada dowladda oo kaashanaya kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa si wadajir ah u qaaday duulaanka, kaasi oo ay kula wareegeen deegaanada kor ku xusan, iyadoo dadka deegaanka ay aad usoo dhaweeyeen tallaaban.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray dowladda, ee ku aadan dilka Sarkaalka u qaabilsanaa arrimaha Zakada ee ku dhintay weerarka ka dhacay duleedka Beledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM