Sarkaal kasoo goostay Al Shabaab oo warbaahinta la hadlay

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya- Sarkaal katirsanaa mallayshiyaadka Al Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya, oo 12-kii bishan isu soo dhiibay ciidamada dowladda, ayaa maanta la hadlay warbaahinta isagoo shaaciyay inuu fikirkii hore ka tanaasulay.

Cabdinuur Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Kooxdan u qaabilsanaa Gobalka Gedo balse markii Dambe ka howlgali jiray Deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya, ayaa shaaciyay in fikirkii uu ku dagaallami jiray ahaa mid khaldan hadana diyaar u yahay inuu la shaqeeyo ciidamada dowladda una adeego shacabkiisa.

Wuxuu fariin u diray asxaabtii ay isku mabda' ahaayeen isagoo ka codsaday inay isa soo dhiibay oo ay ka faa'iidaystaan codsiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Taliye kuxigeenka Nabad sugida Jubbaland ee Baardheere Axmed Maxamed Cabdulaahi (Garab Gooye), ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii amniga deegaanada ay ka taliyaan u sugi lahaayeen, isagoo intaas ku daray in laga faa'iidaysto cafiska Madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa timid xilli magaalada Kismaayo uu ka socdo shir looga hadlayo amniga dalka gaar ahaan sidii loo xorayn lahaa meelaha Al Shabaab gacanta kaga hayso Gedo iyo Jubbooyinka.

Maaha markii ugu horaysay ee warbaahinta loo soo bandhigo xubin sare oo katirsan Al Shabaab, waxaana muddooyinkii dambe Saraakiisha Jubbaland soo bandhigayeen dhalinyaro badan oo kasoo laabtay fikirka Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM