Sarkaal ku dhintay dagaal Ciidamo kawa tirsan DFS ku dhexmaray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iska hor-imaad u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goob-jooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Ciidamo ka kala tirsan Militeriga iyo Nabadi Sugida ay is-rasaaseyn mudo daqiiqado ah socotay maanta duhurkii ku dhexmartay Xaafadda Kaawo-Godeey ee demada Dharkeenlay.

Dagaalka oo ka dhashay muran la xiriira dhul ku yaalla Xaafadaasi, ayaa waxaa ku geeriyooday Sarkaal ciidan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xuseen Maxamed [Mangiste].

Sarkaalkan ayaa la sheegay inay haleeshay rasaas xilli uu kasoo baxay Guri halka uu dagaalka ka dhacay ku yaalla, isagoo markaasi aan ka mid ahayn labada dhinac ee iska hor-imaadka u dhaxeeyay.

Ugu yaraan afar qof oo kale oo shacab ah ku jiraan ayaa ku dhaawacmay isku dhaca Ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la dhigay Isbitaallada.

Ciidamo kale ayaa kala dhexgalay markii dambe labada dhinac, iyadoo xaaladda goobta caadi lagu soo celiyay.

Iska hor-imaadkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Ra'iisul Wasaare Khayre uu ka digay sii socoshada isku dhacyada Ciidamada dowladda u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM