Sarkaal ku dhintay dagaal ka dhacay Ceel-waaq [Dhageyso]

Image

CEEL WAAQ, Soomaaliya - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalka Kenya ayaa saaka ka dhacay magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Iska-hor-imaadka ayaa shacay kadib markii ciidamo Kenyan ah oo wata saddex gaadiidka dagaalka ay gudaha degmada soo galeen iyagoo aan laga warheynin, waxaana ay isku dhaceen ciidamada dowladda Federaalka oo uga shakiyay inay Al Shabaab yihiin.

Ciidamada waxay katirsan yihiin kuwa dagaalanka Argagaxisada Kenya, waxaana ay la wareegay magaalada Ceel-waaq markii hore oo ay kasoo gudbeen xuduuda iyagoo wajiyada soo duubtay, sidoo kalena baabuurtooda ka dul-babanayay calan madow.

Markii ay kasoo baxeen Ceel waaq waxay isku dhaceen ciidamada Soomaaliya oo ku sugnaa banaanka magaalada oo howlgallo amniga lagu xaqiijinayo sameynayay.

Xuseen Deyr Cadaawi oo kamid ah Saraakiisha ciidamada xoogga ee kuu sugan Gedo ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu ku geeryooday Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo.

Ilka Case ayaa sidoo kale horey usoo noqday Taliyaha amaanka Ceel-waaq.

Xuseen ayaa intaasi ku daray in Saraakiisha ciidamada Kenya markii ay la xiriireen ay beeniyeen inay Askartooda ay katirsan yihiin kuwa soo galay Ceel-waaq ee dagaalka ay la galeen.

Si kastaba, maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaaliya wali kama aysan hadlin duulaanka khasaaraha geestay ee ka dhacay Ceel-waaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM