SAWIRRO iyo MUUQAAL ku saabsan Weerarkii Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelleh ayaa fahafaahiyay weerarkii kooxda Al-Shabaab maanta ay ku qaadey xarunta Otto-Otto, oo ay ku shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga.

Daahir Maxamuud Geelle, oo Saxaafadda kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay mudo gaaban kusoo afjaraan weerarka, islamarkaana ay dileen dhamaan kuwii weerarka kusoo qaadey xarunta.

Wasiirka ayaa xusay in qaraxa 1aad ee ka dhacay banaanka wasaaradda uu geestay khasaarooyin kala duwan, oo uusan tiradooda uusan carabaabin, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dhaawacyada kuwii wax looga qaban waayo ay dowladda dibada u qaadayso.

Weerarka oo isagu jiray qarax gaari iyo mid toos ah ayaa waxaa uu qaatey ku dhawaad 4 saacadood, iyadoo dabley hubaysan oo lagu qiyaasay illaa 5 ay gudaha u galeen kadibna ay toogteen dhowr xubnoo oo shaqaalaha dowladda katirsanaa.

Ugu yaraan 15 qof, oo Askar shaqaale dowladeed iyo shacab ah ayaa lagu dilay weerarka kaasi oo kooxdii fuliyay la sheegay inay xirnaayeen dareeska Ciidanka, islamarkaana adeegsaday aqoonsiga dowladda. [Halkan ka akhri Warka].

HALKAN HOOS KA DAWAAO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM