Senatar shaaciyay cida ka dambaysa xariga CC Shakuur [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senetar Yuusuf Geelle Ugaas, oo katirsan Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay xariga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Isagoo ka hadlay Shir Jaraa'id oo Muqdisho uu ku qabtay, ayuu ku sheegay Senetarka in wax aan la aqbali karin ay tahay in mas'uul gurigiisa la iska weeraro, kadibna la laayo dad aan waxba galabsan.

"Waa nasiib darro in la yiraahdo hadii aad fekerkeyga ka hor timaado Baasuuke ayaan kula dhacayaa' waxaana leeyahay Farmaajo iyo Khayre dalka yaan lagu celin dagaalkii sokeeye," ayuu yiri Senetarka.

Senetar Yuusuf Geelle Ugaas oo ku hadlayay afka Xildhibaannada Beelaha Hawiye oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah kusii dayso Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Yuusuf Geelle ayaa shaaciyay inay jiraan dad ka hoos shaqeeya Farmaajo iyo Khayre oo doonaya inay iska horkeenaan shacabka iyo dowladda, kuwaasi oo uu sheegay inay ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

"Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa muwaadin hadii uu dembi uu galay waxay ahayd in warqad loo geeyo, ee ma ahayn in dad hurdaya lagu duulo, kadibna la xaquuqo," ayuu hadalkiisa raaciyay Yuusuf Geelle.

Wuxuu tilmaamay in dowladda horey weerar ugu qaaday nidaamka Federaalka, haddana ay duulaan ku tahay dimuqraadiyadda, taasina aysan ahayn wixii ay ku doorteen Farmaajo iyo Khayre.

Xildhibaano badan ayaa shaki geliyay in howlgalka lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ahaa in lagu soo xero, iyagoo tilmaamay in arinta xarig ay ka weyn tahay oo la doonayay in la dilo.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo kamid ah NISA ayaa dusha uga daatay Guriga, kuwaasi oo iska caabin xooggan kala kulmay ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo dhalisay dagaal ku dhawaad 1 saac socday.

Xukuumadda ayaa sheegtay in sababta loo weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ahayd in gurigiisa uu ka socday abaabulka mooshin ka dhan ah Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM