Senator Fartaag oo walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Gedo

Image

DOOLOW, Soomaaliya - Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan gobolka Gedo, ka dib fatahaado xoogan oo uu sameeyay wabiga Jubba, taasi oo uga sii dartay dadka deegaanka xaaladda bani’aadantinimo.

Senator Fartaag ayaa carabka ku adkeeyay in xaalada El Nino ee la filayay ay ku dhufatay Gedo, isagoo hoosta ka xariiqay baahida degdega ah ee loo qabo in la caawiyo dadka dhibaateysan.

Waxa uuna si gaar ah u iftiimiyay dhibaatada ka jirta deegaanka Doolow oo ay daadad ku soo rogmadeen kana dhashay khasaare baaxad leh.

Senator-ka ayaa baaq u diray dowladda dhexe, maamulka Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isagoo ka codsaday inay si deg deg ah gargaar ula soo gaaraan dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

“Xaaladdu waxay u baahan tahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah si loo yareeyo dhibaatada oo gurmad loo sameeyo dadka ay saameyn ka soo gaartay.” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM