Senator ka digay in Ciidanka loo adeegsado Dano Siyaasadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Maxamuudd Mashruuc oo katirsan Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay in ciidamada qaranka iyo Garsoorka loo adeegsado dano Siyaasadeed.

Maxamuud Mashruuc ayaa dhacdo fool xun, oo xanuun badan ku tilmaamay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan Hoyga Senator kamid ah Aqalka Sare, islamarkaana lagu xad-gudbo xasaanadiisa.

"Waa dhacdo fool xun, xanuun badan oo aan la garan karin tafsiirka ay yeelan karto in Senator ka tirsan Aqalka Sare hoygiisa la weeraro, iyadoo loo adeegsaday ciidan dawladda ka tirsan," ayuu yiri Mudanaha.

Waxuu Senator Maxamuud Mashruuc ku baaqay in Masuuliyaddda falkaasi sharci darrada ah ee lagu weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid meel la saaro, lana helo cid yeelata oo lagula xisaabtamo.

"Waa in meel la saara falka fool-xun ee dhacay, ma ahan in xukuumadda mar walba shacabka la hor-istaagto waan khaldannay ee raali naga ahaada," ayuu hadalkiisa raaciyay Senator Maxamuud Mashruuc.

Senator Maxamuud Mashruuc ayaa ka digay sidoo kale in Hay'adaha amniga laga mashquuliyo cadowgooda iyo waajibaadka loo igmaday ee ah soo celinta nabadda iyo kala dambeynta.

Ugu dambeyntii, Mudane Maxamuud ayaa Sanadka cusub ee 2018 uu rajeeyay Soomaaliya degganaasho Siyaasadeed, horumar iyo Barwaaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM