Senator ka jawaabay hadalkii Cabdi Xaashi ee xeerarka doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubno ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa durba ka jawaabay hadalkii maanta kasoo yeeray guddoonka Senate-ka gaar ahaan afhayeenka.

Mudaneyaasha oo wariyeyaasha kula hadlay caasimadda ayaa waxbo kama jiraan ku sifeeyay sheegashada Cabdi Xaashi Cabdullaahi ee ku aadan in xeerarka horyaala Golaha Shacabka "laga been abuurtay".

Sharci-dejiyeyaasha oo qaarkood kamid ah Guddiga isku dhafka labada Aqal ee soo diyaariyey xeerarka ayaa ayiday shaqada uu Aqalka Hoose waddo kaasoo durba meelmariyey laba kamid ah xeerarkaas.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in si guud iyo si gaar ahba looga soo waddo jeesto wax kasta oo ka shaqeynaya dib u dhaca dalkan, ha ahaado siyaasi damac kursi uu ku jiro," ayay tiri Jawaahir Axmed Cilmi.

Senator Jawaahir waa gudoomiye ku xigeenka guddiga wadajirka ee soo diyaariyey xeerarka oo muhiim u ah coddeynta 2020-21.

Qoraalka uu Cabdi Xaashi ku daray xeerarka ayay ku sifeeyeen mid "carqalad ku ah" dhameystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayay daaha ka rogeen in ay la wadaageen in ay kasoo horjeedaan warqadii uu kasoo saarey xeerarkaas.

Xeerarka lagu muransan yahay waa; Asteynta kuraasta baarlamaanka, qoondada haweenka, metelaada gobolka Banaadir iyo gobolada waqooyi, waxaana la ansixiyey qoondada haweenka iyo gobolada waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM