Askar ka tirsan ciidamada Somalia oo lagu diley Ruunirgood Sh. Dhexe

Image

JOWHAR- Faah faahin kala duwan, ayaa kasoo baxay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay deegaanka Run-nirgood oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ku dagaallameen ciidamo katirsan dowladda Somalia iyo xarakada Al Shabaab.

Deegaanka weerarku ka dhacay ayaa shalay waxaa la wareegay ciidadama milleteriga Somalia, waxaase xalay weerar xooggan kusoo qaaday mallayshiyaad katirsan Shabaab, kuwaasi oo isku qarxiyay afaafka hore xarun dhufays ciidanku kaga jireen iyadoo taasi sahashay inay gudaha u galaan deegaanka islamarkaana gacanta ku dhigaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay 32 askari ku dishay dagaalka, laakiin Maxamed Maxamuud Sanay oo ah taliye ciidamada Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in 8 askari laga dilay, halka ay al-Shabaab ka dileen 12..

Taliyaha ciidamadaan ayaa eedeeyey AMISOM isagoo sheegey ineysan ka helin gurmadkii ay ka filayeen waxaana mas'uuliyada khasaaraha halkaas ka dhacey dusha uga tuurey taliska guud ee ciidamada Somalida iyo kuwa shisheeye.

Majirto ilo ka madax banaan labada dhinac oo laga helayo deegaanka Run-nirgood, balse goob joogaal aan la hadalnay, ayaa sheegaya in dagaal kharaar labada dhinac dhexmaray iyadoo la isweydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaaladda deegaankaasi ayaa wali kacsan waxaana ka socota xiisad dagaal iyadoo dadkii halkaasi ku sugnaa ka barakaceen Xalay ilaa saaka.

Gobolkan Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mallayshiyaad katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM