Askar ka tirsan ciidamada Somalia oo lagu diley Ruunirgood Sh. Dhexe

Image

JOWHAR- Faah faahin kala duwan, ayaa kasoo baxay dagaal xooggan oo maanta ka dhacay deegaanka Run-nirgood oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ku dagaallameen ciidamo katirsan dowladda Somalia iyo xarakada Al Shabaab.

Deegaanka weerarku ka dhacay ayaa shalay waxaa la wareegay ciidadama milleteriga Somalia, waxaase xalay weerar xooggan kusoo qaaday mallayshiyaad katirsan Shabaab, kuwaasi oo isku qarxiyay afaafka hore xarun dhufays ciidanku kaga jireen iyadoo taasi sahashay inay gudaha u galaan deegaanka islamarkaana gacanta ku dhigaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay 32 askari ku dishay dagaalka, laakiin Maxamed Maxamuud Sanay oo ah taliye ciidamada Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in 8 askari laga dilay, halka ay al-Shabaab ka dileen 12..

Taliyaha ciidamadaan ayaa eedeeyey AMISOM isagoo sheegey ineysan ka helin gurmadkii ay ka filayeen waxaana mas'uuliyada khasaaraha halkaas ka dhacey dusha uga tuurey taliska guud ee ciidamada Somalida iyo kuwa shisheeye.

Majirto ilo ka madax banaan labada dhinac oo laga helayo deegaanka Run-nirgood, balse goob joogaal aan la hadalnay, ayaa sheegaya in dagaal kharaar labada dhinac dhexmaray iyadoo la isweydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaaladda deegaankaasi ayaa wali kacsan waxaana ka socota xiisad dagaal iyadoo dadkii halkaasi ku sugnaa ka barakaceen Xalay ilaa saaka.

Gobolkan Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo mallayshiyaad katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM