Shabaab oo qiratay kooxihii ka dagaallamay Puntland

Image

GAROWE- Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horaysay qiratay inay kamidyihiin kooxihii ka dagallamay gobollo katirsan Puntland iyo deegaano kamid ah maamulka Galmudug, kuwaasi oo loo gaystay xasuuq xooggan kadib markii ay isku dayeen inay iska caabin sameeyaan.

Afhayeenka Xarakada Shabaab, ayaa warbaahinta ururkaasi taageerta u sheegay inay mallayshiyadan direen 14-kii maarso, balse ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan halka loo qorsheeyay iyo tiradooda.

Dowlada Puntland, ayaa ku dhawaad maleeshiyaad gaaraya 200 ku dishay dagalladii ay la gashey kooxdaas kuwasoo ka soo dagay degaanada xeebaha ee Garacad iyo Garmaal, halka maamulka Galmudug shaaciyeen in firxad kii kooxdaas ka dileen100 iyo ka badan.

Dagaaladaan ayaa labada maamul ka qabteen kooxdaan maxaabiis kor u dhafeysa 200 kuwaas oo u badnaa caruur.

Arrintan ayaa timi xilli maamulladaasi xuseen in kooxdaasi katirsanyihiin ururka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM