Shabakada ugu ballaaran ee dakhli uruurinta AS oo xayiraad la saarey

Image
Ganacsatadan ayaa fadhigoodu yahay Geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo Qubrus.

WASHINGTON, United States - Mareykanka ayaa cunaqabateyn "ku soo rogay 16 hay’adood iyo shaqsiyaad qeyb ka ah shabakad ballaaran oo ka jirta Geeska Afrika, Imaaraadka iyo Qubrus kuwaas oo dhaqaale u uruuriya Al-Shabaab".

"Shakhsiyaadka ku jira shabakadan waxaa ka mid ah ganacsato saamayn ku leh gobolka oo taageero dhaqaale siiya al-Shabaab," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Washington.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in shabakadda Shaqsiyaadkan iyo Hay’adahan ay ku lug leeyihiin "uruurinta iyo dhaq-dhaqaaqa Malaayiin Doollar oo loo maro ganacsiyo dhowr ah oo ku saleysan danaha Al-Shabaab".

Mid ka mid ah shirkadahan ayaa saldhigeedu yahay Dubai, waxayna faracyo ay ku leedahay Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Qubrus "si ay u soo saaraan una marin-habaabiyaan dhaqaale badan".

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in talaabooyinka cunaqabateynta ay ka dhigan tahay in aan la adeegsan karin dhammaan hantida ay leeyihiin ama ku hoos duugan ganacstada shirkadahan.

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay todobaadkii hore ku dhawaaqdey in ay xayirtey in ka badan hal milyan doolar taasoo loo waday maleyshiyadda Al-Shabaab balse ma bixin tafaasiil dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM