Rayidka Dhuusamareeb oo "bilaabay" in ay garsoor u doontaan Al-Shabaab

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Tobban sano kadib markii ay ciidamadda dowladda la wareegeen ammaanka Dhuusamareeb, shacabka ayaa bilaabay in ay garsoor u doontaan Al-Shabaab.

Ma cadda sababta keentay arrintaan. Hase ahaatee, magaalooyinka kale waxaa loo aaneeyaa garsoorka dowladda oo la sheegay in uusan si cadaalad ah u ridin xukunada iyo in uu qaato lacag.

Dhacdadaan kasoo ifbaxday Dhuusamareeb waxaa xaqiijiyey Hay'adda Nabad-gelyadda ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Saraakiisha maxaliga ah ayaa caddeeyay in ay qabteen laba ruux, kuwaasoo damacsanaa in ay garsoor u doontaan degaanada xoogaga hubeysan.

Cumar Jowle iyo Axmed Cumarey ayaa haatan ku jira gacanta laamaha amniga, waxaana ku socota baaritaan ku saabsan ujeedada ku kaliftay.

Warbaahinta Soomaalida ayaa maanta oo Arbaco ah waxay baahisay in Jowle iyo Cumarey ay isku haystaan dhul ku yaala magaaladda Dhuusamareeb.

Iyaddoo aan wali la fahfaahin gal-dacwadeedkooda, Jowle ayaa lasoo wariyey in uu dacwo ka yahay Cumarey, oo wali doodiisa aan lasoo bandhigin.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa xoojineysa eedeymo horey kaga yimid ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo ahaa in dowladda ay dayacday amniga Dhuusamareeb "una gacan-gelisay Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM