Shaqaale caafimaad iyo gaari lagu afduubtay gobolka Galgaduud

Image

31 December, 2015(GO)-Shakhsiyaad la tuhunsanyahay inay katirsan ururka Al-Shabaab ayaa labo ruux oo mid kalkaaliye caafimaad yahay ku afduubtay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana weheliyay gaari cusbitalka degmada u shaqaynayay.

Dadka afduubka gaystay ayaa tira ahaan bulshada deegaanka ku sheegeen 7 qof, waxaana ka hor qafaalashada teleefon u soo direen maamulka Cusbitalka iskuna sheegay inay yihiin ehelka haweenay fool hayso.

Maamulka Cusbitalka Dhuusamareeb ayaa u diray ragga telefoonka soo diray gaari iyo mid kamid ah shaqaalah gargaarka deg degga ah, waxayna ugu dambayn ka warheleen in la kaxaystay gargaarikii caafimaad ee ay direen.

Warar hoose ayaa sheegaya inay gaariga oo Ambalas ah lagu dhex arkayay magaalada Galhareeri ee  ku dhow Ceelbuur.

Maamulka deegmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud oo mar sii horaysay la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno la xiriirta falkaasi.

Lama oga halka ay ku dambeeyeen shaqaalihii caafimaad ee ragga Al-Shabaabka lala xiriirinayo kaxaysteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM