Shaqaale ka tirsan UN-ka oo lagu dilay weerar ka dhacay Mali

Image
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 174 askari ay uga dhinteen falal cadowtinimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

MUQDISHO, Soomaaliya – Labo ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarxay lagula eegtay bartamaha dalka Maali, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay.

Askartan ayaa qeyb ka ahaa ciidamada Masar ee howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Mali – MINUSMA (UN Multidimensional Integrated Stabilization Mission in Mali), sida ay saraakiishu sheegeen Jimcihii.

"Madaxa MINUSMA ayaa cambaareeyay weerarka," afhayeenka howlgalka Olivier Salgado ayaa ku dhejiyay Tweet.

Ciidamada nabad ilaalinta ee Masar ayaa la socday toban baabuur oo Qaramada Midoobay ah kuwaas oo la socday kolonyo baabuur rayid ah oo shidaal siday, ayuu yidhi Salgado.

Miinada ayaa qaraxday markii kolonyada ay dhaaftay, ayuu yiri Salgado. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Douentza, oo ku taal wadada aada Timbuktu, sida uu sheegay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna madaxa MINUSMA El-Ghassim Wane.

“Toddobaad adag, oo aad noogu adag ayuu ahaa marka la eego sida xad dhaafka ah ee koofiyadayada buluuga ah loo beegsanayo,” ayuu yiri Wane.

Labo warbixin oo todobaadkan la daabacay – mid ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo mid kale oo ka socday qeybta xuquuqul insaanka ee MINUSMA – ayaa muujiyay qeylo dhaan ku aaddan sii xoogeysiga rabshadaha ka socda bartamaha Mali.

Arbacadii, askari u dhashay Urdun oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday kolonyo uu la socday oo ku sugnaa Kidal, ee waqooyiga Mali.

Walxaha qarxa ayaa ah hubka ay mucaaradka u adeegsadaan ciidamada MINUSMA iyo kuwa dowladda Maali. Sidoo kale waxay dileen dad badan oo rayid ah. Todobo nabad ilaalin ah oo Togo ah ayaa bishii Diseembar lagu dilay qarax IED  imta u dhexeeya Douentza iyo Sevare.

Iyadoo ay xubno ka yihiin 13,000, MINUSMA waa mid ka mid ah hawlgallada nabad ilaalinta ee ugu weyn Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale mid ka mid ah kuwa ugu khatarta badan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 174 askari ay uga dhinteen falal cadowtinimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM