Shaqaale katirsan Shirkad Isgaarsiin oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rag bastoolado ku hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, iyadoo maalmo kahor labo kale lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Caasimadda.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi, halkaasi oo Kooxda hubaysan ay gudaha u galeen Xarun Shirkadda halkaasi ay ku leedahay kadibna ku dilay ninkan kamidka ahaa shaqaalaha oo magacabiisa lagu soo koobay Suleymaan.

Goobjoogiyaal ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in kuwa dilka geestay ay lacago ka qaateen xarunta Shirka, iyagoo ku baxsaday Gaari nooca raaxadda ah oo ay wateen.

Saraakiisha Shirkadda kama aysan hadlin falkan dilka iyo dhaca ah ee laga geestay xarunteeda degmada Waaberi, gaar ahaan Laanta Xaafadda Buundooyinka.

Maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay, qarax miino oo ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu dilay labo Shaqaale ah oo katirsanaa Shirkadda Hormuud, iyadoo dhacdadaasi aysan jirin cid sheegatay. Halkan ka akhri.

Lama oga sababta loo beegsanayo Howlwadeenada Shirkaddan, oo ka howlgasha Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM