Shaqada garoonka diyaaradaha magaalada Beledwayne oo la joojiyey

Image

BELEDWAYNE, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay si ku meelgaar ah u joojisay shaqada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Axmed Macalin Xasan, agaasimaha Duulista Rayidka, ayaa xusay in talaabada lagu hakiyey howsha madaarka ay la xiriirto baaritaan lagu sameynayo shilkii diyaaradeed ee dhowaan ka dhacay garoonka.

Inkasta oo uusan cayimin waqtiga uu baaritaanka soconayo, Mr Xasan ayaa rajeeyay in baaritaanka oo ay sameyn doonan khuburo ka tirsan Wasaaradda Duuista Hawada lagu ogaado sababta shilka dhalisay.

"Xirnaanshiyaha garoonka waa mid ku meelgaar ah. Waxaan isku dayi doonaa in aan si deg-deg ah kusoo afjarno baaritaanka oo daaran xaqiijinta sababta shilkaas keentay," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga.

Xukuumadda federaalka ah ayaa shalay u dirtay Beledwayne "guddi xaqiiqo raadin ah", waxaana guddigaas kamid ahaa Wasiirka Duulista Hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, iyo mas'uuliyiin kale.

Diyaaradii ku lug-yeelatay shilkii dhacay Talaadadii ayaa laga lahaa waddanka Kenya. Duulimaadkaas wuxuu ka yimid Jabuuti. Sahay loo wadday ciidamada AMISOM iyo gargaar kusii jeeday shacabka ayaana saarnaa.

Maareeyaha guud ee diyaaradda ayaa tibaaxay in shilkaas uu ka dambeeyay ka gedaal markii dameer uu soo dhex-galay dhabaha cago-dhigasada, taas oo duuliyaha ku qasabtay in uu ka leexdo isla markaana shilka galo.

Saddex ruux oo saarneyd diyaaradda oo kala ah; duuliyaha iyo laba kale oo caawiye u ahayd ayaa ka badbaaday shilkaas. Dhamaantooda oo la hubiyey caafimaadkooda waxay ka boodeen kahor inta uusan dabka qabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM