Shaqsiyaad looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo oo gacanta lagu dhigay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Hay'adda nabad-gelyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad lala xiriirinayo xoogaga Al-Shabaab iyo qarax ka dhacay Kismaayo.

Gaashaanle Dhexe, Ismaaciil Faarax Raage oo kamid ah saraakiisha nabad-sugida maamulkaas, ayaa shaaca ka qaadey in ay baaritaan ku socoto la tuhunsaneyaasha, wallow uusan carabaabin tiradooda.

Raage oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lasii deyn doono ciddii dambiga lagu waayo, qofkii lagu helana la maxkamadeynayo. "Waa sidda uu sharciga qabo," ayuu wariyeyaasha ugu sheegay magaalada.

"Sidii ay horey ula shaqeyn jireen, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay nagala shaqeeyaan sugitanka amniga," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Falka qaraxa oo Al-Shabaab lagu eedeeyay ayaa ka dhacay nawaaxiga halka loo yaqaano Aargada, gaar ahaan mehrad. Sidda ay sheegeen laamaha ammaanka, wuxuu ahaa bam-gacmeed lagu tuuray.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, tirro kalana waxaa kasoo gaarey dhaawac u badan kuwa fudud, waxaana xaaladooda caafimaad lagula tacaaalayaan Isbitaalada magaaladda.

Dhacdooyinka liddiga ku ah xasiloonida ee ay fuliyaan kooxaha argagixisadda ah ayaa aad ugu yar xarunta ku meelgaarka Jubbaland, waxaana ugu wacan maamulka oo ahmiyada siiya xaqiijinta amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM