Shariif iyo Xasan Sheekh oo u dhoofay magaaladda Beledwayne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa u dhoofay Beledwayne, xarunta gobolka Hiiraan.

Hogaamiyeyaasha xisbiga Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda & Horumarka ayaa gargaar gaarsiinaya shacabka ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha kusoo rogmaday magaaladaas.

Shariif iyo Xasan ayaa saacado ku hakaday gudaha madaarka diyaaradaha Aadan Cadde kadib markii ay kasoo daahdey diyaaradii qaadi lahayd, sidda ay xaqiijiyeen wararka.

Dhanka kale, Maareeyaha guud ee Hay'adda Duulimaadyadda Rayidka, ayaa dib u dhaca ku macneeyay hubin lagu sameeyay garoonka diyaaradaha Beledwayne oo xalay roob ka da'ay.

Hase ahaatee, Xildhibaano wafdiga madaxweyneyaasha kamida oo sheegay in aan lagu soo wax gelin arritaas ayaa ku doodey "in xayiraad iyo waqti lumin lagu sameeyay".

Socdaalkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii si rasmi ah loo daah-furay Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah axsaabta siyaasadeed ee waddanka.

Madasha ayaa ku dhawaaqday laba boqol oo kun oo Doollar-ka Mareykanka ah oo ay ku taakuleynayaan dadka ay saameysay fatahaadaha ka dhashay Webbiga Shabelle.

Sidda ay shaacisay Dowladda Federaalka, in ka badan 60-kun oo ruux ayaa ku barakacay daadadka Webbiga, waxaana ku dhintay tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed.

Hay'addaha gargaarka maxaliga ah iyo kuwa caalamka ayaa waxay gargaar kawadaan magaalooyinka ay fatahaaduhu ka dhaceen oo ku yaala bartamaha iyo koonfurta waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM