Shariif: Saddexdan qodob ayaa baajin karta weerarada gaadmada AS

Image
Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa bogaadiyay iska-caabinta ay sameeyeen ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey degaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Shariif oo soo dhaweeyay iska-caabinta ay sameeyeen ciidamadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay talo uu shaaciyay in ay looga hortagi karo weerarada noocaan ah.

"Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Degaanka oo saaka ka hortagay weerar kooxaha argagixisada ku soo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud," ayuu qoray.

Waxa uu intaas kusii daray: "Waxaan Alle uga baryayaa inta ku dhimatay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, dhaawacana caafimaad taam ah siiyo".

"Weerarada gaadmada ee cadowga argagixisada waxaa looga hortagi karaa isku duubni, midnimo iyo wada shaqeyn dhexmarta bulshada iyo ciidamada," ayuu tibaaxay.

Shariif ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waana in ciidanka iyo saraakiishooda lagu abaalmariyo gudashada waajibkooda qaran ee difaaca dadka iyo dalka".

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah la beegsata fariisimaha ciidamadda Soomaaliya ee gobolada waxaana muuqanaysa in wali aanan wax cashar laga baran xeeladaha kooxda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM