Sheekh caan ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan, oo heebtooda la aqoonsan wali, ayaa maanta oo Jimco ah Sheekh caan ah ku dilay duleedka Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Magaalada ayaa mudooyinkii dambe martigelinaysay dilal khaarijin ah, oo ka dhan ah Odayaasha dhaqanka, Askarta dowladda iyo dadka kale ee hay'adaha la shaqeeya.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Sheekh Maxamed Rooble ayaa lagu dilay inta u dhaxeysa Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo Tareedisho, oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Saddex dhalinyaro ah, oo bastoolado ku hubaysan, islamarkaana saarnaa Mooto ayaa jidka u galay Sheekha xilli uu watay Gaari nooca raaxadda ah ee loo yaqaano "NOAH", kadibna isla goobta ku dilay, halkaasi oo markii dambe meydkiisa laga soo qaadey.

Sheekh Cabdullaahi oo 85 jir ah, ayaa caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka, isagoo ku tirsanaa dariiqada qaadiriyadda, waxaana uu kasoo jeedaa degaan ahaan degmada Bardaalle ee gobolka Baay, halkaasoo lagu wado in Meydkiisa lagu aaso.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka Allah ha u naxariistee Sheekh Cabdullaahi, mana la oga sababta loo beegsaday, balse waxaa xusid mudan in dilalka noocan ah lagu yaqaano inay geystaan Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM