Sheekh caan ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan, oo heebtooda la aqoonsan wali, ayaa maanta oo Jimco ah Sheekh caan ah ku dilay duleedka Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Magaalada ayaa mudooyinkii dambe martigelinaysay dilal khaarijin ah, oo ka dhan ah Odayaasha dhaqanka, Askarta dowladda iyo dadka kale ee hay'adaha la shaqeeya.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Sheekh Maxamed Rooble ayaa lagu dilay inta u dhaxeysa Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo Tareedisho, oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Saddex dhalinyaro ah, oo bastoolado ku hubaysan, islamarkaana saarnaa Mooto ayaa jidka u galay Sheekha xilli uu watay Gaari nooca raaxadda ah ee loo yaqaano "NOAH", kadibna isla goobta ku dilay, halkaasi oo markii dambe meydkiisa laga soo qaadey.

Sheekh Cabdullaahi oo 85 jir ah, ayaa caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka, isagoo ku tirsanaa dariiqada qaadiriyadda, waxaana uu kasoo jeedaa degaan ahaan degmada Bardaalle ee gobolka Baay, halkaasoo lagu wado in Meydkiisa lagu aaso.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka Allah ha u naxariistee Sheekh Cabdullaahi, mana la oga sababta loo beegsaday, balse waxaa xusid mudan in dilalka noocan ah lagu yaqaano inay geystaan Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM