Sheekh Shariif oo ka hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Imaaraadka Carabta.

Wareysi uu siiyay TV-ga Al Carabiya, ayaa Sheekh Shariif ku sheegay in labada dalka uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo Taariikhi ah, islamarkaana aan loo baahnayn Khilaafka taagan inuu sii socdo.

Waxa uu ugu baaqay labada dowladooda inay qaab wadahadal ah ay ku dhameeyaan Khilaafka soo kala dhexgalay kaasi oo uu sheegay in hadii aan la xalin, uu saameyn xooggan ku yeelanayo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa ku amaanay dowladda Imaaraadka sida ay u garab istaagtey Soomaaliya xilligii adkaa, iyo taageerada joogtada ah ee uu siinayay dowladihii ugu dambeeyay, oo ka caawisay la dagaalanka argagaxisada iyo burcadbadeeda.

Imaaraadka ayaa tababar siiyay cutubyo katirsan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Puntland, gaar ahaan PMPF-ta oo tan iyo aas-aaskoodii 2011 gacanta ku hayay, oo ka taageerayay mushaaraadka, qalabka iyo tababarka.

Dowladda Imaaraadka ayaa maalin kahor shaacisay inay joojiyay barnaamijkii tababarka iyo taageerada dhaqaale ee Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kala baxday Muqdisho tababariyaashii ka joogay.

Go'aankan ayaa ka dambeeyay kadib markii Dowladda Federaalka ay ku qabatey Garoonka Aadan Cadde 8-dii bishan lacag Imaaraadka ugu tala-galay in lagu bixiyo mushaarka Ciidamada, taasi oo sii xumaysay xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM